QAAMUUSKA AF SOOMAALIGA PDF

Please use our complimenary coupon Welcome to Looh Press! Looh Press Leicester, UK. Waxaa qaamuuska dhammaadkiisa lagu lifaaqay sifayn kooban oo ku saabsan naxwaha af Soomaaliga, oo loogu talaggalay in uu waxtar u yeesho adeegsiga qaamuuska. Si kastaba ha ahaatee, qaamuuskan halka luqadeed qaabkiisa, markii laga eego xagga daraasaadka guud ee afafka Afrikada madow, waxaa la oran karaa in uu ka mid yahay qaamuusyada fara ku tiriska ah. Qaamuuska af Soomaaliga ee ay diyaariyeen labada bare ee ku xeeldheer af Soomaaliga, oo kala ah Baresare Cabdalla Cumar Mansuur iyo Annarita Puglielli, ayaa ah mid ka mid ah labada qaamuus ee ugu mug weyn dhinaca af Soomaaliga—micno iyo miisaan ahaanba.

Author:Voodoot Kazitaur
Country:Tunisia
Language:English (Spanish)
Genre:Video
Published (Last):23 January 2014
Pages:34
PDF File Size:7.80 Mb
ePub File Size:7.73 Mb
ISBN:616-8-62969-442-1
Downloads:17579
Price:Free* [*Free Regsitration Required]
Uploader:Brakinos



Gogoldhig Qaamuuskani waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu mudadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed Studi Somali 1, waxaa hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka Qaamuuska Soomaali-Talyaani Agostini F.

Puglielli e Ciise M. Siyaad, Dizionario Somalo-Italiano, Roma, ; sababta ay hawshiisu u adkaatayna waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee uu caqabad ku noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii Fanka, Suugaanta iyo Sayniska ee Muqdisho. Waxaase nasiib wanaag ah in dalka Taliyaaniga ay yaaleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga shaqeeynayey ilaa muddadaas. Inkastoo qaybo ka mid ah oo aan nuqulkooda la haynini ay ku baabaeen Soomaaliya, intooda badani way badabaadeen.

Joogsiga mashruuca iskaashiga Somalia-Italia iyo burburkii ku dhacay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo Akedemiyadii, sida hayadaha kale ee qaranka, iyo guud ahaan xaaladihii colaadeed ee dalka ka jiray waxay sababeen in dib u habayn xoog leh lagu sameeyo mashruuca qaamuuska. Arrintan iyada ah dhowr jeer ayaan horay uga faalloonay Puglielli , Puglielli e Bitocchi 2.

Waxaa noo suurtaggeli wayday in waxyaabo aan ku taamaynay in aan si fiican ugu falanqayno qaybo gaar ah, sida: ereyada farsamada, aqoonta dhirta iyo xoolaha iyo kuwa kale, sidaas ay tahay arrimahaas nagama horjoogsanin dhamaystirka hab daabacaadda qaamuuskan oo aan maanta u soo bandhigayno 1. Mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed, oo la bilaabay sannadka , wuxuu ka mid noqday mashaariic cilmi-afeed oo lagu hormarinayey iskaashiga dhex yiil Talyaaniga iyo Soomaalida, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee Muqdisho AAVV, Atti dei Convegni Lincei , Lingua, pensiero scientifico e interculturalit: lesperienza dellinterazione universitaria in Somalia, Roma, Accademia Nazionale dei Lincei, Mashaaricdaas hadafkoodu kuma ekayn keliyah in la hagaajiyo habka loo baro ardayda af talyaaniga si ay ugu suurtowdo in ay af taliyaaniga ku bartaan maadooyinka looga dhigo kulliyadaha kala duwan ee Jaamacadda, wuxuu kaloo yoolkiisi ahaa in si cilmiyeysan loo baaro af-soomaaliga xagga codayntiisa, dhismihiisa iyo ereyadiisaba, afkaanoo ah mid dhawaan loo yeelay far-qoraal, noqdayn afka rasmiga ee qaranka soomaaliyeed Abdalla O.

Mansur Il somalo dalla oralit alla scrittura,in Atti dei convegni Lincei , Putz ed. Puglielli A. Bitocchi, Qaamuuska Af-Soomaaliga. The Great Somali monolingual Dictionary, in A. Puglielli, ed. Thirty years of Somali studies. Studi Somali 13, Torino, Harmattan Italia, Qaamuuskan, dabcan ma aha mid matalaya heerka kamadambeyska ah ee loo sameeyn karo qaamuus af-soomaali, laakiin waxaan filaynaa in uu noqdo mid si wacan looga faaidaysan karo mustaqbalka xagga diyaarinta qaamuusyo midkan ka baaxad weyn.

Si kastaba ha ahaatee, qaamuuskan halka luqadeed qaabkiisa, markii laga eego xagga daraasaadka guud ee afafka Afrikada madow, waxaa la oran karaa in uu ka mid yahay qaamuusyada fara ku tiriska ah. Dhowr jeer ayaan ka hadalnay habka aan u adeegsannay diyaariinta Qaamuuskii hore Soomaali-Talyaani DSI oo ereyadiisii aasaaska u yihiin qaamuuskan iyo sida aan ugu hawlgalnay ballaarinta micnaha iyo ereyada macluumaadka kala duwan.

Sidaa darteed waxaa keliya aan halkan ku soo bandhigaynaa raadraacyada si ay uga faaidaysato ciddii doonaysay in sii baarto mawduuca. Waxaan doonaynaa in aan halkan ku soo bandhigno wixii wargelin ah oo dhan oo lagama maarmaanka u ah sidii wax badan looga faaidaysan lahaa qaaamuuskan muhimka ah, inkastoo uu daldaloolo lahaan karo, waxaanna ku rajaweynnahay in ay ka faaidaysan karaan dadka hawlahan u dhuundaloola, aqoonyahannada iyo dadweyne fara badan iyo xataa dugsiyada soomaaliyeed markii dib loo dhiso.

Taariikh kooban oo ku saabsan qaamuuska Ereyada aasaasiga ah ee lagu billaabay qaamuuskan waxay ahaayeen ereyadii qaamuuska soomaali-talyaani DSI oo la daabcay sannadkii Ereyadaas tiradoodu waxay ahaayeen qiyaastii Keenadiid, Qaamuuska Af-Soomaaliga, Firenze, Haddaba hawshu waxay ku billaabatay in af-soomaali ahaan lagu qeexo micnaha ereyada ku qoran qaamuuska DSI iyadoo la raacayo qaacido iyo nidaam ay degsadeen cilmibaarayaal ka kooban talyaani iyo soomaali oo ka mid ahaayeen xubnaha mashruucaas.

Waxaa kuwaas lagu sii kordhiyay markii dambe ereyo kale oo meelo kala duwan laga keenay, ha ahaadeen isla ereyadii markaas la hayay kuwa la micna ah ama ha ahaadeen ereyada ku saabsan kasmada, farsamada iyo cilmiga oo markaas loo baahnaa in loo adeegsado dib u habeynta buugaagta dugsiyada, waxaana lagu dhaqaaqay in la soo xulo ereyada aasasiga ee u gaarka ah maadda walba xisaabta, fiisikiska, taariikhda iwm. Eereyadaas iyo micnahooda oo soomaali ah waxaa soo diyaariyey Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada, xilligaasuna waa dhammaadkii 80meeyadii5.

Taariikhdan kooban waxaan ku soo gunaanadaynaa in aan idin xasuusinno dhammaan dadka siyaabo kala duwan iyo muddo kala duwan ay uga qaybqaateen hirgelinta mashruucan laga billaabo tii. Inkastoo qaarkood ay geeriyoodeen weli xasuustayada kama suulin. Liiskani waa magacyadii dadka taabbaggeliyay hawshan. Waxaa kaloo xusuus mudan gacanta aan ka helnay shaqaalahii Xafiiska Manaahijta oo nasiib darro magacyadooda aan waynay meel aan u raacno.

Aqoonyahannada aan ka helnay wadashaqayn: Roberto Ajello, Giorgio Banti. Habka uu u samaysanyahay qaamuusku Waxaa halkaan ku soo bandhigaynaa warbixinno fududeynaya la tashiga ama adeegsiga Qaamuuska. Erey kasta ee ka mid ah qaamuuskan oo la fasiray wuxuu leeyahay arrimaha ama qaybaha soo socda oo la xariira sharraxaadda ereyga: a Ereyga soomaaliyeed ee la fasirayo b Qaybta naxweed ee uu ereygaasi ka tirsanyahay c Tilmaan muujinayso rogrogmadka eryga marka uu yahay fal ama magac.

Qaybahan warkooda oo faahfaahsan waxaa ku cad qodobbada soo socda, xagga dambe ee qaamuuskana waxaa ku lifaaqan Naxwaha af-soomaaliga oo kooban oo loogu talaggaly in uu sii faahfaahiyo wixii war ah ee aan halkan ku caddayn.

Isku xigga xarfaha ku billaabma ereyada la micneeynaayo waxaan u doorannay habka uu Yaasiin Cusmaan Keenadiid u adeegsaday qaamuuskiisa, yacnii habka iskuxigga alifbada Laatiinka, sababaha aan u doorannayna labo arrimood ayaa ugu muhimsan: a Maadaama ummadaha badan ee fartoodu tahay midda Laatiinka ay qaamuusyadooda si isku mid ah u adeegsadeen habka isku xigga alifbada, waxaan doorbidnay in qaamuuska af-soomaaliguna uusan ka duwanaan habkaas caalamiga ah.

Ereyga la midka ah erey kale varient isna gooni ayaa loo qoray, laakiin halka lagu qori lahaa qeexidda micnihiisa waxaa ku qoran oo keliyah ereyga la micnaha ah, kaasoo loola jeedo ereygan micnihiisa ka eeg midkan kale e la midka ah ld.

Waa kan habka isku xigga alifbada ee qaamuuskan: A, b, c, d, e, f, g, h, i, j, k, l, m, n, o, q, r, s, t, u, w, x, y. Xarfaha dh, kh, sh ereyadooda gooni uma qorna, waxay ku kala jiraan halka ay kaga aaddanyihiin taxanaha xarfaha d-, k-, s-, habkaanna afafka kale ayay la wadaagaan, sida sh--da af ingiriisga oo laga dhex helo halka ay kaga aadantahay ereyada ka bilaabma xarafka s-. Ereyada qaamuuskan waxaa loo adeegsaday far-soomaaliga rasmiga ah oo aan wax laga beddelin, laakiin mararka qaarkood ayaan u baahannay in aan ku kordhinno calaamo yar si aan u kala saarno ereyada qaabkooda qoraalku isku midka yahay micnahooduse ay kala duwanyihiin, waxaana lagu kala saari karaa oo keliya shaqalka ay wadaagaan oo laba siyood loogu dhawaaqo.

Sida aad ku arki doontaan qaybta dambe ee qaamuuska Naxwaha af-soomaaliga oo kooban, shaqal walba labo siyood oo kala duwan ayaa loogu dhawaaqaa: mar waa culusyahay, marna waa fududyahay, sida labadan erey: dul f. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. Diyaarad iwm ku safrid Ereyga hore wuxuu leeyahay shaqal culus, sidaa darteed shaqalka u hoostiisa waxaa ku astaysan calaamad yar.

Ujeeddadu ma aha in aan wax ku kordhinayno alifbada soomaaliyeed, laakiin waa si loo fududeeyo kala garashada labada erey ee noocaan oo kale ah oo aanay ku dhex jirin weero laga dheehan karo micnahooda. Laba erey ama in kabadan oo qaab ahaan isku si loo qoro laakiin ay ka kala duwanyihiin naxwa ahaan iyo micna ahaanba waxaa la kala siiyaa lambaro isku xiga: magacyada ayaa la hormariyaa, falalka ayaa lagu xijiyaa, kaddibna qaybaha kale ee ereyada, magacyadana kuwa labka ayaa laga hormariyaa kuwa dheddigga.

Xubin uurkujirta ah lafdhabarleyda ka mid ah midabkeedu madow guduud ku dheehanyahay ah oo samaysa xammeetida, dhiiggana wixii sumeynaya ka ilaalisa. Qaybta dhexe ee miraha jilicsan, qolof ku dahaaran oo uu geedku ka dhasho.

Dhul miro ku abuurid. Ereyada micnahooda, oo qaarkood ay la socdaan tusaalooyin, waa la soo koobay markii laga reebo ereyada cilmiga la xiriira oo qaarkood si gaar ah loo faahfaahiyay, gaar ahaan kuwa af-soomaaliga ku cusub. Ereyadan micnahooda, sida aan korba ku soo xusnay, waxaa ka shaqeeyey qeexiddooda aqoonyahanno ka shaqayn jiray Xafiiskii Manaahijta ee Wasaaraddii Waxbarashada. Waa laga yaaba in qaarkood ay leeyihiin daldaloolo, laakiin ulajeeddadayadu waxay tahay in ay noqdaan kuwa laga ambaqaadi karo ama ay ka shidaal qaataan dadka doonaya inay diyaariyaan qaamuus cilmiyeed ama ay abuuraan ereybixinno loo adeegsado diyaarinta buugaagta dugsiyada.

Billawga qeexidda ereyga waxaa ku yaalla laba bil oo dhexdooda uu ku qoran yahay magaca maaddada oo la soo gaabiyey, sida daaw. Xitaa magacyadan iyo qaabkooda gaaban waxaa laga dhex helayaa taxanaha ereyada la soo gaabiyey. Waxaan tusaale ahaan halkan ku xusaynaa erey cilmiyeed iyo micnihiisa: falnaq m. Hawl uu fuliyo, ogaan la'aan, xiriirka ugu fudud ee unug maskaxeed iyo muruq.

Sidaas darteed dareenka xannunka leh sida irbad mudid waxay keeneysaa dhaqaaq deg-deg ah oo faraha lala boodo inta maskaxdu ayan amar u soo dirin muruqii ay saameysay. Haddii erey uu leeyahay hal micne wax ka badan hal mar uun baa la qoraa ereygaas, micna kasta ee uu leeyahayna ereygaas lambar ayaa la siiyay, sida ereygan: baar m. Fiidda sare ee geed ama timo iwm. Dhogor dhaadheer ah oo ka baxda kuruska geela dushiisa. Ciyaarta daba-ka-eriga, hal mar oo turubka la qeybiyo laguna ciyaaro. Isha baalkeeda.

Waxaa la arkaa mararka qaarkood erey ay soomaalidu micne kala duwan u taqaanno, yacnii erey micnihiisa sida gobollada woqooyi looga yaqaan si ka duwan ayaa gobollada koonfureed looga yaqaannaa. Hadaba, ereyga noocaas oo kale ah waxaa la siiyey labadiisa micne ee kala duwan, sida ereygan: X. Ereyada micna ahaan isku midka ah laakiin yara kala duwan qoraalkooda waxaa loo qoray iyadoo la raacayo nidaamka soo socda: a Haddii ereygu uu leeyahay hal micno oo keliyah ereyga la midka ah ld waxaa la dhigaa meesha ugu dambaysa qeexidda micnahaas, sida eryga falki aan kor ugu soo aragnay.

Casho baartay oo maalintii xigtay gaartay. Hanti laga bixiyo gabar guur laga doonayo oo la siiyo soddohda. Muuqaal meel fog laga arko. Tiro aad u yar oo ari ah oo gaar u daaqa. Xoolo daaq doonad ah. Meesha xooluhu daaqaan. Inta u dhexeysa xerada iyo daaqsinta.

Kadin geel ah. Haddaba si aan cidna loogu eexanin waxaan isku daynay inaan ku qorno qaamuuska kuwa adeegsigooda aadka ugu badanyihiin, sida kuwa soo socda oo laba qaab loo adeegsado: tabar tamar XI. Ereyadan kor ku xusan, oo mid waliba leh mid la mid ah, iyo wixii la halmaalaba waa la qoray, mid baase la micneeyey, midka kalena waxaa keliya oo horiisa lagu qoray ld.

Labada erey ee isku midka ah oo labadoodaba caadi ahaan la adeegsado mid uun baa laga doortay, kaasoo inta badan qoraal ahaan adeegsigiisu badanyahay. Ereyada leh xarfaha ku taxan safka bidix, oon tusaale ahaan u soo qaadannay ereyo qaarkood, ayaa ah kuwa ku qoran qaamuuskan, xarfaha taxanaha kale ee midig waa kuwa la midka ah ee aan ku xusnayn halkan.

Taas waxay la micna tahay, haddii aan tusaale ahaan u soo qaadanno, in erey kasta ee ka mid ah qaamuuskan oo xarfihiisa ka mid ah rn oo isku xigaan, waxaa suurtaggal ah in uu jiro erey la mid ah oo labadaa xaraf ka dhigaya qaabkan rr. Labada cod ee ugu dameeya ey iyo ay waa la wada adeegsaday inkastoo labadooduba ay leeyihiin kuwa u dhigma oo la midka ah: ay iyo ey. Arrintan goaankeeda waxaan qaadannay kaddib markii aan la tashannay odayaashii soomaaliyeed ee gacanta weyn naga siiyey diyaarinta qaamuuskan.

Sifaynta erey naxweydyada kala duwan. Halkan waxaan ku xusaynaa oo keliya magacyada erey naxweydyada ugu muhimsan, laakiin qaybta Naxwaha af-soomaaliga oo kooban ayaan si faahfaahsan oo tusalooyin leh ugu qaadaadhignay. In kastoo magacyada ereyada naxweed oo dhan iyo qaabkooda la soo gaabiyay ay ku xusanyihiin meel gaar ah, waa kuwan qaarkood: magac magac lab, magac dheddig , fal fal-gudbe, fal-magudbe, fal-labagudbe , magacuyaal, magac faleed, magac khabareed, tilmaame, qurub diiradeeye, xiriiriye, horyaale iwm.

Waxaa halkan laga dareemayaa in sifadu ay ka maqantahay taxanaha magacyada erey naxweedyada kor ku xusan. Sida aqoonyahanka Adrzejewski uu ku taliyay, waxaanu ka dhignay ereyada sida: weyn, yar iwm koox faleed gaar ah oo ka baxsan kuwa caadiga ah, waxaanna ku magacaabnay kooxda isrogrogga IV ama fal-sifo. Arrintaanna bib baan uga faalloon doonnaa. Qaabkani waa nidaamka ay aad u adeegsadaan cilmi-afeedyahannada ku xeeldheer baarista af-soomaaliga iyo xitaa kuwa baara afafka kale ee Kushitigga.

Cunto quudasho. Qaniinyo wax ku yeelid. Cayayaan, nafle dhiig ka jaqid. Cid il wax ku yeelid. Ciyaar turub haad, haad kale oo ka adag ku qaadasho. Qaabka fal-saleedka waxaa loo adeegsaday xataa falal aan caadi ahaan loo adeegsanin fal amar ahaan, habkan xitaa afaf kale ayaa loo adeegsaday falal aan lahayn qaab amar, sida falalka soomaaliyeed: aqoo, yaal, weynow iwm. Falalku, guud ahaan, laba kooxood ayay u kalal baxaan: fal-gudbe f. Falkaas oo kale inta laba jeer la qori lahaa mar uun baa la qoray, labada siyood ee loo adeegsadana sharraxaadda micnaha ayay ka dhex muuqdaan.

Waxaa jira fal uu isku hayn karo horyaale preposition laaan saddex magac, yacnii yeele iyo laba magac kale aan yeele ahayn. Tusaale ahaan, haddaan u fiirsanno weertan Cali ayaa guriga tusay Axmed waxaan arkaynaa in falka tus uu isku hayo yeelaha Cali iyo labada layeele guriga iyo Axmed isagoon u baahnayn horyaale.

ATLAS ANATOMII PALPACYJNEJ PDF

QAAMUUSKA AF-SOOMAALIGA[1].pdf

Gogoldhig Qaamuuskani waa mirihii hawl adag oo muddo dheer soo socotay. In uu mudadaas dheer qaato waxaa ugu wacan maadaama uu qayb ka ahaa sababihii loo sameeyey mashruuca Cilmibaarista Soomaaliyeed Studi Somali 1, waxaa hawlgalkiisu billaabmay kaddib markii la soo saaray sannadka Qaamuuska Soomaali-Talyaani Agostini F. Puglielli e Ciise M. Siyaad, Dizionario Somalo-Italiano, Roma, ; sababta ay hawshiisu u adkaatayna waxay ahayd iyadoo billowgii dagaalka sokeeye ee uu caqabad ku noqday sii wadidda hawshii qiimaha lahayd ee lagu qabtay Akademiyadii Fanka, Suugaanta iyo Sayniska ee Muqdisho. Waxaase nasiib wanaag ah in dalka Taliyaaniga ay yaaleen nuqulladii macluumaadkaas oo laga shaqeeynayey ilaa muddadaas.

EMDEX 2015 PDF

Customers who bought this product also purchased

Qaamuuskan oo miririhiisu yahay hawl ay qabteen dad badan oo khubara ah wuxuu waxtar weyn u leeyahay daraasaadka ereyada af soomaaliga Somali lexicography ; waxuu kaloo muhim u yahay midaynta af soomaaliga Somali standardization , maadaama afkan waqti aan fogayn uun noqday af qoran Waxaa qaamuuska dhammaadkiisa lagu lifaaqay sifayn kooban oo ku saabsaan naxwaha af - soomaaliga, oo loogu talaggalay in uu waxtar u yeesho adeegsiga qaamuuska. Maaddada cilmi-afeedka ayay bare sare ka ahayd Jaamacadda Roma 1 "La Sapienza", kaddid waxay u soo wareegtay Jaamacadda Roma Tre oo markaas la aasaasay. Waxay xubin ka ahayd Guddigii Farsamada ee u qaabilsanaa qaybta luqadaha ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed intii u dhexaysey sanadihii ilaa

CARTOONING THE HEAD AND FIGURE BY JACK HAMM PDF

Qaamuuska af Soomaaliga.

.

Related Articles